Booliska ismaamulka Migori ayaa xiray tuhmane loo haysto ka ganacsiga sharci darada ah ee daroogada. Illaa 500kg oo xashiish ah, qiimaheedana lagu qiyaasayo Sh5 milyan ayay sidoo kale ciidanku gacanta ku dhigeen.

Howlgalka ayaa ka dhacay Bwembu oo ka tirsan Galbeedka Suna ee  ismaamulka Migori.

Taliyaha booliska Migori Julius Mukanda ayaa sheegay daroogada in lagu qariyay beer galley.

“ Saaka subaxnimadii, saraakiil boolis ah ayaa xubno bulshada kamid ah ay kusoo wargaliyeen tuhmane gudbinaya xashiish. Saraakiisha ayaa talaabo ku dhaqaaqay iyaga oo soo helay xammuul (jawaano xashiish ah)sharci darro ah” ayuu yiri Mukanda.

Tuhmanaha lagu soo qabtay daroogada ayaa haatan ku xiran saldhiga booliska Migori, waxaana uu sugayaa maxkamad.

Booliska ayaa tuhunsan daroogada (Marijuana) in loo sii waday Tanzania iyada oo lasii mar siinayo xuduudka Isebania.