Wasiirka maaliyada Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Bayle ayaa soo bandhigay naqshada lacagta cusub ee ay yeelanayso Soomaaliya.

Tan iyo burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya oo ay kasoo wareegtay illaa 28 sanno ayaan Soomaaliya ka jirin daabacaad cusub, iyadoo lacagtii hore oo qaarkeed duugowday lagu gacansanayay.

Lacago faalso ah oo qaybo kala duwan oo Soomaaliya lagu farsameeyay ayaa saamayn ku yeelatay dadka shacabka ah.

Dowlada Soomaaliya ayaa laga sugayaa sida ay u hirgalin doonto ka shaqaysiinta lacagta cusub iyadoo qaybo kamid ah Soomaaliya ay xukumaan alshabaab.