Xiriirka kubbada cagta caalamka (FIFA ) ayaa kasoo dalbatay Soomaaliya illaa saddex ciyaartooy oo ka qayb galo ciyaaraha adduunka ee ka furmaya dalka Ruushka.

Gudoomiyaha xiriirka kubbada cagta Soomaaliya Cabdiqani Siciid Carab ayaa sheegay u jeedka looga soo dalbaday ciyaartooydan ay tahay FIFA oo ku doonaysa inay is-dhexgal ugu samayso dhalinyaradaasi kala duwan ee ka imaanaya guud ahaan qaaradaha adduunka.

Shuruudaha FIFA ee lagu xulayay ciyaartooyda ayaa ahaa in da’doodu ka yar tahay 17 , ayna ka dheelaan qaybta difaaca ee ciyaaraha.

Waa markii ugu horaysay ee Soomaaliya ay hesho ciyaartooy loogu casumo ka qayb galka koobka aduunka.

Muddo illaa Shan maalin ah ayaa ka dhiman furitaanka koobka caalamka oo sannadka ay marti galinayaan Ruushka.