Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar kamid ah madaxdii ka qayb gashay shirka dalalka G7 ee ay Canada marti galisay.

Ra’iisal wasaaraha Canada Justin Trudeau , Ra’iisul wasaaraha Costa Rica Andrew Holness iyo madaxweynayaasha dalalka Rwanda, Senegal iyo Seychelles ayuu madaxweyne kulamo gaar gaar ah la yeeshay.

Andrew Holness ayay ka wada hadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen arimaha dhaqanka, ciyaaraha, ganacsiga iyo duulimaadka.