Hogaamiyaha isbahaysiga isbahaysiga mucaaradka Raila Odinga ayaa kula kulmay hogaamiyaha mucaaradka dibad jooga ah ee Koonfurta Sudan Riek Machar.

Odinga ayaa kala hadlaya Machar dhexdhexaadintiisa uu ku doonayo in lagu soo afjaro isku dhacyada burburiyay dalka yar ee qaranimadiisa ay burburisay dagaalada tan iyo 2013 ka socday dalkaasi.

Bishii aynu soo dhaafnay ayaa hogaamiyaha mucaaradka Kenya uu la kulmay madaxweynaha Sudan Salva Kiir bilowga qaybtii hore ee wada hadalada nabada ee ay hogaaminayso urur goboleedka (IGAD).

Raila ayaa sidoo kale la kulmaya madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa iyaga oo ka wada hadlaya arintan.

Machar ayaa hadda ku jira xabsi guri ku yaala Pretoria, halkaasi oo ah meesha uu kulanku ka dhacay.

IGAD ayaa soo dhoweysay ka qayb galka dhexdhexaadinta ee Raila Odin, iyaga oo sheegay in labada dhinac ay u arkayaan garsoore u dhaxeeya.

Koonfurta Sudan ayaa noqotay dalkii ugu dambeeyay ee qaarada Afrika kusoo kordha 2011 , waxaana muran siyaasadeed oo madaxweyne Salva Kiir iyo ku xigeenkiisii Machar dhexmaray uu sababay in dalkaasi uu galo dagaal sokeeyo oo illaa iyo hadda dalkaasi laga dareemo saamayntiisa.