Wasiirka Waxbarashada Aamina Maxamed ayaa magacowday illaa Sagaal xubnood oo ah gudiga maamulka gudaha ee iskuulka gabdhaha Moi ee Magaalada Nairobi.

Isku duwaha waxbarashada heer gobol ee Nairobi John Ololtuaa ayaa hogaamin doona kooxdan cusub, iyadoo sidoo kale ay qayb ka yihiin wakiilo wasaarada waxbarashada iyo gudiga adeega macalimiinta (TSC).

Ms Rose Ombeva oo ka socota xafiiska waxbarashada gobolka , Ms Lydia Mutegi oo wasaarada waxbarashada , Mr Benard Kimachas oo ah agaasimaha TSC ee heer ismaamul, Mr Gichuhi Ndegwa, Mr Rashid Mohamed and Mr Fidelis Nakhulo oo maamulka sare ee wasaarada waxbarashada, Ms Lucy Mugambi  iyo Ms Cicely Musyoki TSC ka socda ayaa xubnaha ay wasiirka waxbarashadu soo magacowday.

Iskuulka gabdhaha Moi ayaa la xiray todobaadkii aynu soo dhaafnay kadib markii la kufsaday gabar kamid ah ardayda fasalka labaad ee dugsiga sare.