Qoraal kasoo baxay kooxda Lyon ayaa lagu sheegay Nabil Fekir in aanu u dhaqaaqi doonin kooxda Liverpool.

Liverpool iyo Lyon ayaa ku wada jiray wada hadal ciyaar yahanka lagu wareejinayo, qiimhiisuna gaarayo £52.75 milyan .

Wargayska Dailymail ayaa qoray in Liverpool ay isku dayday in qiimaha ciyaaryahanka ay hoos u dhigto, kadib markii ay lasoo daristay xaalad caafimaadka ciyaaryahanka.

Kooxda Lyon oo kabtan u yahay Fekir ayaa diiday dalabka Loverpool.

Olympique Lyonnais ayaa maamulkeedu sheegeen in si rasmi ah ay u shaacinayaan inuu burburay wada hadalkii ay kula jireen Liverpool ee ay ku wareejin lahaayeen Nabil Fakir.