Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya weerar ismiidaamin oo ka dhacay duleedka Kismaayo ay ka dhasheen khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka ayaa lagu gaystay gaari bas ah nooca caasiga loo yaqaan, waxaana lala eegtay saldhig ciidan oo ku yaala Baar Sanguuni oo duleedka Kismaayo.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay weerarkaasi uu khasaare kooban gaystay. Inkasta oo dhanka alshabaab ay sheegteen weerarkaasi ciidamo badan ay ku dileen.

Sheegashada labada dhinac marka laga yimaado ma jiraan cidd ka madax banaan oo xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ee weerarkaasi gaystay.

Maalinkii shalay ayay ahayd markii ay sheegteen alshabaab weerar ka dhacay Jamaame oo lagu dilay askari ka tirsan ciidamada Maraykanka , kuwo kalana lagu dhaawac.