Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu uga tacsiyeenayo qoyskii uu ka baxay askariga lagu dilay Soomaaliya, waxaana uu ku tilmaamay inuu ahaa geesi.

Trump ayaa hadalkan ku qoray bartiisa Twitter-ka kadib markii la shaaciyay in askari Maraykan ah oo ku dhintay weerar ka dhacay meel u dhow degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Weerarka uu ku dhintay askarigan ayaa waxaa sheegatay kooxda alshabaab.

Saraakiil ka tirsan waaxda difaaca Maraykanka ayaa sheegay in askar kale oo Maraykan ah iyo kuwo Soomaali ahba ay ku dhaawacmeen weerarka.

Milatariga Maraykanka ayaa gacan siiya ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya, waxaana ay qayb ka yihiin howlgalada lagula dagaalamayo alshabaab.