Gabadhan oo Talaadadii la waayay ayaa maydkeeda laga helay beer gallay oo ku taala tuulada Muthithi. Gabadhan oo Sagaal jir ahayd ayaa la helay maanta oo Khamiis ah maydkeeda xilli la baadi goobayay.

Taliyaha booliska Kigumo ee ismaamulka Murang’a Ibrahim Mchumwa ayaa sheegay inay socdaan baaritaano isaga oo ka codsaday dadweynaha in la siiyo wakhti ay kusoo dhamaystiraanka baaritaanka.

Kufsiga ayaa kusoo badanayay muddooyinkii u dambeeyay qaybo kamid ah dalkan Kenya, waxaana ay ahayd maalmo kahor markii gabar fasalka Labaad ee dugsiga sare lagu kufsaday iskuulka gabdhaha Moi.