Labo qof oo kale ayaa la sheegay inay ugu dhinteen Wajeer qandhada Rift Valley (RVF) iyada oo guud ahaan tirade dhimashada ka dhigaysa ilaa Afar.

Labada qof ee hore ayaa dhintay June 4, sida uu sheegay madaxa caafimaadka ismaamulka Wajir Nuur Sheekh Maxamed.

Cudurka RVF ayaa ku dhaca inta badan xoollaha la dhaqdo,gaar ahaan Ariga , Lo’da , Geela iyo Idaha.
Meelaha ugu daran ee cudurka laga soo sheegay ayaa ku yaala Basir iyo Lakoley oo ka tirsan degmada Eldas ee ismaamulka Wajir.

Sidoo kale waxaa kordhaya tirada xoolaha ku la’day xanuunkan oo u badan Ari iyo Geel.