Xildhibaano ka tirsanaa maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa ku dhintay weerar lagu qaaday kolonyo gaadiid ay la socdeen oo marayay agagaarka deegaanka Ceelka Geelow oo u dhaxeysa Balcad iyo Qalimow, gobolka Shabeellada dhexe.

Xildhibaanada ku dhintay weerarkaasi ayaa lagu kala macaabay Sheekh Cabdi Mukhtaar iyo Ismaaciil Muumin Hilowle. Waxaa kaloo weerarka ku dhintay gudoomiye ku xigeenkii degmada Raaga-Ceelle Muuse Afweyne.
Weerarka ayaa looga shakisan yahay inay gaysteen kooxda alshabaab.